– Xidhiidh dhow ayaanu la leenahay Finland iyo Sweden. Ma jiro waddan kale oo saaxiib dhow la ah NATO iyaga oo aan ahayn, Stoltenberg ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo la xidhiidha dhoolatuska NATO ee Jimcihii.
Ruushka ayaa si weyn uga carooday dalalka Waqooyiga Yurub kadib markii uu gargaar militari u diray dalka Ukraine.
Sweden ayaa horey u sheegtay inay Norway u gurman doonto hadii Ruushka uu weeraro. Laakiin lama hubo in Norway oo xubin ka ah NATO ay sidaas oo kale u samayn doonto deriskeeda bariga.
– Waxaa jira farqi u dhexeeya xubin ka noqoshada NATO iyo inaadan xubin ka noqonin, ayuu yiri Stoltenberg.
– Xulafada waxaa saaran waajib, iyada oo loo marayo qodobka 5, NATO, si ay u caawiyaan dalalka Isbahaysiga. Dammaanaddaas ma khusayso dalalka aan xubinta ka ahayn. Sweden iyo Finland waa shuraako, laakiin dammaanad qaadku waxa kaliya oo ay leeyihiin xulafada NATO, ayuu yidhi Stoltenberg.