Home Wararka Caalamka Mareykanka oo cambaareeyay gantaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

Mareykanka oo cambaareeyay gantaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

0

Kuuriyada Waqooyi ayaa riday gantaalka isaga kala goosha qaaradaha, sida uu yiri madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in. Waxaa la sheegay in uu ku dhacay badda meel 170 KM ka baxsan waqooyiga Japan.

Gantaalka ayaa loo diray bari, una baxay dhanka badda, sida uu sheegay hoggaanka difaaca Kuuriyada Koonfureed.

– Tani waxay khatar weyn ku tahay gacanka Kuuriya, gobolka iyo bulshada caalamka. Waa xadgudub cad oo ka dhan ah go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Moon ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Moon Jae-in ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo ku saabsan amniga qaranka. Waxa uu sidoo kale ka codsaday saraakiisha in ay tixgaliyaan dhammaan tallaabooyinka jawaab celinta ee suurtagalka ah si wadajir ah Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.

Subaxnimadii Khamiista, milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay gantaallo ka soo rideen dhulka, badda iyo hawada badda Japan si ay uga jawaabaan gantaalka Kuuriyada Waqooyi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here