Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ka codsatay dadka rayidka ah ee reer Ukraine inay isaga baxaan caasimadda Kyiv, iyadoo Moscow ay sii waddo duulaankeeda.
“Waxaan ka codsaneynaa dadka reer Kyiv inay ka baxaan magaalada waddo gaar ah oo aan dammaanad qaadi karno marin ammaan ah, waxaan rabaa inaan ku celiyo in ciidamada Ruushka ay garaacayaan oo kaliya bartilmaameedyada militari,” afhayeenka wasaaradda Igor Konashenkov ayaa ku sheegay war laga sii daayay telefishinka.
dhanka kale 2,700 oo gantaalada lidka taangiyada ah oo ay ciidamada Denmark ka soo iibsadeen Nammo Norwegian 2018 ayaa hadda loo gudbin doonaa Ukraine.
Wararka kale ee Maanta
AD