Shirkadaha diyaaradaha ee Norwegian iyo Widerøe ayaa joojiyay marooyinka afka lagu xirto. SAS ayaa ku dhawaaqeysa go’ankeeda , halka Flyrna ay meesha ka saarayso shuruudaha safarka oo dhan.
Tani waxay marka hore khusaysaa duullimaadyada u dhexeeya Norway, Iswidhan iyo Danmark, iyo sidoo kale duullimaadyada gudaha. Laakiin haddii rakaabka qaarkood ay rabaan, dabcan waxay isticmaali karaan waji-xidhka. Qof kastaa waa inuu dareemaa badbaado, ayay E24 ku tidhi lataliyaha dhinaca xidhiidhka ee Silje Glorvigen
Warka ayaa imaanaya ka dib markii dowladdu ay ku dhawaaqday inay joojineyso ku dhawaad dhammaan tallaabooyinka corona.
joojinta shuruuda afka ee Norwegian iyo Widerøe ayaa durba ka bilaabatay guud ahaan Dalka Norway iyo Sweden
SAS waxay sugaysaa inay meesha ka saarto shuruudaha af-xidheenka ilaa Talaadada maanta ama Arbacada.