xeerilaalinta guud ayaa dacwad ku soo oogay agaasimihii hore ee iskoolada Islaamiga ah ee Römosseskolorna. Eedaha loo haysto ayaa waxaa ka mid ah lunsasho iyo danbiyo lacageed oo uu ku qaatay 13 milyan oo karoon oo lacag iskuul ah oo uu ku wareejiyay shirkadihiisa gaarka ah isagoo isticmaalaya qaansheegyo been abuur ah, lacag badana uu u diray Soomaaliya.
Eedeysanaha ayaa ahaa Xildhibaan hore oo muxaafid ah oo ay mulkiilayaasha iskuullada u magacaabeen inuu maamulo lacagta shirkadda.
Sida ay sheegtay hay’adda dambiyada dhaqaalaha, ninkan ayaa u adeegsaday qaansheegyo been abuur ah oo u dhexeeyay dugsiga iyo laba shirkadood oo uu isagu leeyahay, kadibna lacagtii dibadda ayuu u gudbiyay.
“Waa 13 milyan oo karoon oo ay degmadu ugu deeqday hawlaha dugsiga” ayuu Xeer Ilaaliye Henrik Wager u sheegay SVT “Waa lacag aad u badan oo la rabay in lagu bixiyo waxbarashada carruurta.”
Eedeynta ayaa lagu sheegay in lacagtaas lagu bixiyay Hay’ado iyo Xisbi Islaami ah oo ka jira Soomaaliya, balse Xeer Ilaaliyaha ayaa awoodi waayay in uu soo bandhigo nooca Hay’adaha ku lugta leh.
Waa markii labaad oo ninkan lagu soo oogo dambiyo maaliyadeed, iyadoo dhamaadkii bishii September lagu soo oogay dambiyo maaliyadeed oo culus.
kormeerka Schoolka ayaa go’aansatey in ay xirto sadexda dugsiyada Römosseskolorna ee Göteborg ka 19 November, Madama gudiga aysan ku Habooneen hawlaha waxbarasho. 600 oo arday ayaa go’aanka saameyn ku yeelan doona, kaasoo ay degmadu ku qasbanaan doonto inay u wareejiso dugsiyo kale.