Home Wararka Denmark Denmark: Qof Saddexaad oo loo Xiray Weerar loo adeegsaday Toorey ama Mindi

Denmark: Qof Saddexaad oo loo Xiray Weerar loo adeegsaday Toorey ama Mindi

0

Bilayska bariga Jylland ee Denmark ayaa hadda xidhay nin saddexaad oo lagu soo oogay dil mindi loo adeegsaday oo loo geystay wiil 18 jir ah.

Sida uu booliiska ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray maanta.

19-jirka hadda la qabtay ayaa la raadinayay tan iyo markii uu dilka dhacay, kaasoo ka dhacay Ormslevvej oo ku taal Viby koonfurta Aarhus fiidnimadii Axadda, abbaare 2-dii duhurnimo ee salaasadii, wuxuu markaas ka soo muuqday saldhigga bilayska ee Aarhus.

Dadka loo xiray kiisaska Dilalka ayaa hada lagu wadaa baaritaan waxana la filayaa in dhawaan lasoo bandhigo.

Labo nin oo 19 jir ah ayaa horay loogu xiray kiiska dilka ah. Labaduba waxaa lagu sii hayaa xabsiga si ku meel gaar ah ilaa 25-ka Noofambar inkastoo ay qirteen inaysan dambiga geysan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here