Imtixaanka Luuqada ayaa laga qaadayaa Shaqaalaha ka Shaqeeya Goobaha Dugsiyada Xanaanada Caruurta sida uu ku waramayo Talafashinka SVT.
Dowlada Hoose Lindsbury ee Örebro ayaa ah goobta Hada bilaabeysa Imtixaanada ugu horeeya ee Luuqada Shaqaalaha ka shaqeeya goobaha Xanaanada Caruurta inkastoo Magaalooyinka kale ee wadanka aysan soo rogin arintan.
Imtixaankan ayaa ka kooban labo qeyb oo Afka ah iyo Qeyb Qoraal ah iyadoo ula jeedka ugu weyn uu yahay hubinta shaqaalaha ka shaqeeya goobahan iyo luuqada sida ay ugu hadlaan.
Warbixin ay dhawaan gudbiyeen Maamulada iskuulada Xanaanada ee Lindsbury ayay ku gudbiyeen in ay liidato Luuqada Shaqaalaha ka Shaqeeya goobahooda Xanaanada taasi oo keentay in lasoo rogo imtixaanka luuqada.
” Shaqaalaha qaarkood ma fahmaan dadka la sheegayo,” ayay tiri agaasimaha howlaha dowladda hoose Christina Oren . Sida laga soo xigtay SVT.
Barashada Luuqada ayaa noqoneysa mid muhiim ah iyadoo Dadka dalbanaya Basaboorka lagu soo rogayo in Luuqada wadanka ay barteen.
Somaliska Stockholm