Qiyaastii 100,000 haween uur leh iyo naasnuujin ah oo ku nool Danmark ayaa hadda la siin karaa tallaalka loo yaqaan ‘corona tallaal’, sida uu sheegay guddiga caafimaadka.
Illaa iyo hadda, Suuragal uma ahayn haweenka uurka leh ama naasnuujinaya in la tallaalo sababo la xiriira la’aanta dukumiintiyo ku saabsan in ay caafimaad ku heli karaan hadii la talaalo
Si kastaba ha noqotee, waa loo oggol yahay kiisaska gaarka ah.
Ka dib markii aan dib u eegnay xogtii ugu dambeysay iyo waaya-aragnimada dalal kale, Guddiga Qaranka ee Caafimaadka ayaa hadda siinaya iftiinka cagaaran ee tallaalka dhammaan haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya.
Waxaan kula talinayna inaanu raacno wadamo kale oo yurub ah sida Sweden iyo Netherlands, ayuu yidhi S Boardren Brostrøm.
Somaliska Denmark