Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga iyadoo looga jawaabayo iibsiga nidaamyada difaaca cirka ee Ruushka.
Cunaqabateyntan ayaa micnaheedu yahay in madax iyo seddex shaqaale ah oo ka tirsan hey’adaha difaaca Turkiga aysan u sii safri karin Mareykanka ama in aysan heli karin wax kasta oo qiimo leh oo ku yaal Mareykanka. Intaa waxaa dheer, waxaa ku jira dhoofinta qalabka hubka.
Ku dhawaaqida in Mareykanku hada cunaqabateyn saarayo ayaa ka careysiisay dowlada Turkiga.
Waxaa sidoo kale la filayaa inuu sii xumeeyo xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo wadamada reer galbeedka.
Turkiga ayaa ah Dal awood ahaan ka yaabsaday wadamada Reer Galbeedka iyo Mareykanka taasi oo keentay in ay dhoor mar ugu caga jugleeyaan cunaqabateyn.
Somaliska Ankara
Wararka kale ee Maanta
AD