Home Wararka Maanta Raiisel wasaaraha Sweden oo sheegay in Khubarada ay dhayalsadeen Mawjadaha labaad

Raiisel wasaaraha Sweden oo sheegay in Khubarada ay dhayalsadeen Mawjadaha labaad

0

Stefan Löfven, Raiisel wasaaraha Sweden, ayaa dhaleeceyay khubarada wadanka, kuwaa oo uu rumeysan yahay inay si qaldan u fahmeen awooda iyo dhibaatada uu mowjadda labaad ee cudurka corona uu hada dalka u geysanayo.

– Waxaan u maleynayaa in dadka badidiisu ay filayeen mowjad sidii hore ka duwan, ayuu yidhi Löfven wareysi uu siiyay wargayska Aftonbladet.

Hadalkiisa ayaa imanaya kadib markii gudiga qaran ee caafimaadka, hey ́ada caafimaadka bulshada, lagu dhaliilay ineysan tixgalin infekshinka sii kordhaya ee deyrta.

– Horumarka aan ka aragno Yurub inteeda kale, heerka jirradeena, iyo dhimashada, waa mid sii kordheysa, ayuu yidhi raisalwasaaruhu.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here