Dowladda Iswiidhan waxay xaqiijisay in dhammaan dadka qaangaarka ah ee ka weyn 18 sano lagu tallaali doono tallaalka ‘Covid-19 inta lagu jiro qeybta hore ee sannadka 2021
Wasiirka arrimaha bulshada, Lena Hallingrin, iyo Mary Morell, madaxa waftiga daryeelka caafimaadka ee dawladaha hoose iyo gobollada (SKR), ayaa soo bandhigay intii lagu jiray shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen, oo maanta lagu qabtay Stockholm
Waxay ku macneeyeen in barnaamijka talaalka uu bilaaban doono isla marka uu talaalku yimaado Sweden
Waxayna maamulka caafimaadka ee Iswiidhan ku dhawaaqeen, dhamaadkii bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, in barnaamijka qaybinta tallaalka ee ka hortagga fayraska Corona uu bilaaban karo bisha soo socota ee Janaayo.
Lataliyaha gobolka ee cudurada faafa, Andrush Tegnell, ayaa sheegay in talaalka mudnaan la siin doono kooxaha halista ugu jira, dadka jira 70 sano iyo wixii ka weyn, daryeelayaasha waayeelka, xirfadlayaasha caafimaadka iyo daryeelayaasha kale ee sida dhow ula shaqeeya kooxaha nugul
Somaliska Stockholm