Home Wararka Maanta Amal Aden: – Mustafe ha joogo Norwey, waa halkan meesha uu iska...

Amal Aden: – Mustafe ha joogo Norwey, waa halkan meesha uu iska leeyahay

0
Sawir: Mariam Butt / NTB scanpix

Waxaan la yaabanahay hadii masuuliyiinta Norwey ay ka warqabaan cabsida iyo hubanti la’aanta kiiska Mustafa Hasan uu ku abuuray dhalinyarada tirada yar ee Asalkooda kasoo jeeda wadan kale

Waxaa dhowaan isoo wacay wiil 15 jir ah oo dhigta dugsiga sare ee Oslo. Wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Norway, laakiin wuxuu leeyahay waalid asal ahaan kasoo jeeda Afghanistan. Wuxuu ka baqay in loo ogolaan waayo inuu Norway sii joogo. 

Kani waa kii afaraad ee isbuucaan isoo waco oo ka walwalsan in wadanka dibadiisa loo diro. Dhammaantood waxay ka baqayaan in waalidkood ka beensheegay dalabka magangalyada. 

Mustafa wuxuu ku barbaaray Noorway, wuxuu dareemayaa norwiiji. Aniga ahaan, waa wax aan la fahmi karin in laga dirayo Norway sanadka 2020 maxaa yeelay hooyadiis waxay been sheegtay 2008, markii uu lix sano jiray. Maxay tahay sababta adduunka loogu ciqaabayo wax uusan samayn? 

Sidee ayey mas’uuliyiinta Norwey wiil yar ugu diri karaan wadan uusan aqoon u lahayn? Hooyo ahaan, waxaan ka fikiraa dhallinyarteyda, waxaan haystaa mataano 18 jir ah, oo Mustafa ku da’ah. Bal ka fikir haddii ay yihiin kuwii loo sheegay inay ka baxaan Norway .

In kasta oo dhallinyaradaydu ka fikiraan ciidaha Kirismaska, imtixaannada  waxaa jira 18-jir kale oo wajahaya waqti aan la hubin oo leh waxyaabo gebi ahaanba ka duwan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here