Home Wararka Caalamka Dowlada Sweden oo war kasoo saartay soo qaadashada Qaxootiga Giriiga oo Xisbiyada...

Dowlada Sweden oo war kasoo saartay soo qaadashada Qaxootiga Giriiga oo Xisbiyada qaar codsadeen

0

Arinta qaxootiga ayaa markale kala qeybinaysa xisbiyada Sweden, madama su’aal ka taagan tahay in Sweden ay soo bandhigto go’anka soo dhaweynta muhaajiriinta ka socota xerada la gubay ee Moria ee ku taal jasiirada Griiga ee Lesbos.

Photo: Angelos Tzortznis AFP

Xisbiga Miljöpartiet wuxuu ka codsanayaa dowlada inay qaado talaabada wadamada midowga Yurub ay qaadeen ee ku saabsan dib u qeybinta qaxootiga, arintaasna waxaa kasoo horjeestay wasiirka socdaalka Morgan Johansson (S) oo dowlada ka tirsan.

– Hadda waxaa jira carruur aan lala socon oo aan heysan xitaa maro teendho ah. Waxaa jira cunno yari, biyo, fayadhowr, dawooyin iyo daryeel. Waxaan u baahanahay inaan wax ka qabano, ayay tiri afhayeenka siyaasada socdaalka ee xisbiga cagaaran Annika Hirvonen.

Qaar ka mid ah wadamada Midowga Yurub waxay ku bixiyeen si iskaa wax u qabso ah qaabilaada muhaajiriinta ka imanaya xerada qoxootiga Moria ee ku taal jasiiradda Lesbos, oo gubatay usbuucii la soo dhaafay, taas oo hal mar oo keliya ay horseedday in 12,000 ilaa 13,000 oo qof ay guro la’an noqdaan

Iswiidhan waxay soo bandhigtay in laga caawiyo waxyaabo ay ka mid yihiin teendhooyin, bacaha jiifka iyo bustayaal, laakiin wasiirka socdaalka Morgan Johansson ayaa usbuucan gudihiisa sheegay in dowlada Sweden aysan heysan fursado sharci sida wadamada kale oo ay ku gaaraan wax uu ugu yeeray go aan ku meel gaar ah, si ay dadka u qaabilaan.

– Xisbiga Miljöpartiet wuxuu qabaa in Sweden ay qeyb ka qaadato xaalada cakiran ee ba’an, iyo in dhamaan wadamada EU ay sameyaan wax walba oo ay awoodaan, ayey tiri Annika Hirvonen.

waxaa jirta hal wado oo lagu xallin karo tan, waana in Giriiggu yeesho nidaam magangelyo oo shaqeynaya, ayuu yiri Morgan Johansson oo ka tirsan Xisbiga S.

Xaalada Cakiran ee dhanka Siyaasada Qaxootiga ayaa sanadihii u danbeysay waxay aheyd mid aysan isku fahmin guud ahaan xisbiyada ka dhisan wadanka iyo kuwa ku jira Barlamaanka,

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige qeybta afka-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here