Home Wararka Caalamka Markabkii Turkiga oo dib ugu laabtay Bada & Madaxweynaha Faransiiska oo Luuqada...

Markabkii Turkiga oo dib ugu laabtay Bada & Madaxweynaha Faransiiska oo Luuqada Turkiga ku soo qoray Twitter-ka kuna baaqay wada-hadal

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka ku qoray luuqadda Turkiga, wuxuuna ku sheegay in Midowga Yurub uu farriin cad u dirayo Turkiga ee arinta dhanka bariga Mediterranean.

Photo/duverenglish

“waxaan fariin cad u dirnay Turkiga: aan dib ufurno wadahadal mas’uuliyad leh, oo niyad sami ah,  ”ayuu Macron ku yiri qoraalkiisa.

Maraakiibta dagaalka ee Giriigga iyo Turkiga waxay isku urursanayeen Bariga Mediterranean tan iyo markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku amray markabka cilmi baarista uu baaritaan ku sameeyo gaaska iyo saliida.

Giriiggu wuxuu sheegay in badda xeebta ee Crete iyo jasiiradaha kale ee gobolka ku yaal ay iyagu leeyihiin si ay uga faa’iideystaan,  Turkiga ayaa marar badan diiday, iyagoo sheegay in jasiiraduhu aysan xaq u lahayn Giriiga loona baahan yahay in si cadaalad ah loo qeybsado.

Erdoğan ayaa sheegay Sept. 18 in Turkigu uu dib ugu yeertay markabkii sahaminta  ee Oruç Reis seismic ee ka yimid biyaha la isku haysto si wadahadalada Griiga loo furo lakin uusan wali shaqadiisa dhameysan.

Bishii Sebtember 13, markabkii Oruç Reis ayaa dib ugu soo laabtay dekedda waxa ay Ankara ugu magac dartay dayactir joogta ah oo markabka lagu sameenayo , tallaabadaasi oo Giriiggu ku sheegay inay tahay tallaabada ugu horreysa ee wanaagsan ee lagu qaboojinayo xiisadaha.

Xubnaha NATO ee Turkiga iyo Griiga ayaa si ba’an ugu khilaafsan awooda badaha iyo xuquuqda sahaminta tamarta ee bariga Mediterranean iyo xiisada ay soo shaac baxday bishii hore markii Turkigu u diray Oru Reis biyaha ay sidoo kale sheegato dowlada Griiga.

Saraakiisha Turkiga iyo Giriigga ayaa wadahadallo uga socday NATO si looga fogaado shilalka milateri Waxay qabteen afar kulan laakiin Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar, wareysi uu siiyay idaacada Ingiriiska ee Channel 4, Sept. 18 wuxuu ku eedeeyay Griiga inay ka gaabinayso wadahadalka iyadoo shuruudo hor leh ku xirtay wadahadalka.

Hogaamiyaasha Midowga Yurub waxay qiimeyn ku sameyn doonaan cunaqabateynta suurtagalka ah ee ka dhanka ah Turkiga kulanka ay yeelanayaan Sept. 24-25. Jarmalka wuxuu doonayaa waqti dheeri ah oo uu kula hadlo Turkiga halka Faransiiska, Qubrus iyo Griiga ay dalbanayaan jawaab deg de ah Turkiga waxa uu iska sii wataa baritaankiisa badaasi.

ugu danbeyn waxaa la sugayaa kulanka 24 iyo 25 ay sameenayaan wadamada yurub kaasi oo la filayo in ay kasoo saaraan cunaqabateyn xiliga madaxweyne Erdogan oo qadka taleefanka kula hadlay Raisal wasaaraha Germaka uu u sheegay in aysan ka tanaasuleenin qeybta ay ku leeyihiin badan Mediterranean.

Somaliska Ankra

Xigasho/duverenglish

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here