Dowlada Germalka ayaa soo saartay ganaaxa uu muteesanayo qofka aanan xiran marada Afka goobaha looga baahanyahay go’anka ayaa yimid kadib kulan ay qaateen Angela Merkel iyo madaxda Gobolada wadanka Germalka.
Sharciga ayaa dhigaya in uu qofka xirto marada afka marka uu ku suganyahay goobaha leeskugu yimaado sida xafladaha qofka aanan sameen waxa uu muteesan karaa ganaax dhan 50 Euro oo u dhiganta 500 oo lacagta sweden.
Germalka ayaa laga dareemayaa dib u soo laabashada xanuunka corona goobaha qaar ee wadanka taasi oo keentay in gobolada badankooda lagu soo rogo sharcigan.
PHOTO: MARTIN MEISSNER / AP / TT
Angela Merkel ayaa dhanka kale shaacisay 15 bisha Semtemper in la helayo tijaabada Corona oo bilaash ah kaasi oo dadka ka caawinaya oganshaha xanuunka.
Somaliska Berlin
Wararka kale ee Maanta
AD