Home Wararka Maanta Malmö:- Xanuunka Corona oo laga helay Lix kamid ah Macalimiinta Dugsiga sare...

Malmö:- Xanuunka Corona oo laga helay Lix kamid ah Macalimiinta Dugsiga sare ee Heleneholms

0

lix kamid ah iskuulka sare ee Heleneholms ee caasimada Malmö ayaa laga helay xanuunka Corona sida uu sheegay maamulka iskuulka oo sharaxaad ka bixiyay macalimiinta laga helay xanuunka.

” Macalimiinta waxay wada dhigeen hal fasal ka hor inta aysan aadin guriga mana jirin calaamado muujinaya in ay qabaan xanuunka corona” ayuu yiri Johan Ahlström oo ah maamulaha iskuulka oo la hadlay joornaalka Aftonpladet.

iskuulka sare ee Heleneholms ayaa la furay 18 bishan agoosta waxana uu kamid yahay iskuulada ugu weyn malmö lakin maamulka iskuulka ayaa ku adkeesanay in uu iskuulka sii furnaanayo.

macalimiinta laga helay xanuunka Corona ayaa hada qaatay fasax jiro waxana ardayda soo wajaheysa waxbarasho la’anka dhanka macalimiinta ka maqan.

qaar kamid ah ururada ka dhisan malmö ee qeybta caafimaadka ardayda ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadan ay tahay mid muujineysa sida uu xanuunka uga dilaacay goobaha waxbarashada.

PHOTO: JOHAN AHLSTRÖM

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here