Home Wararka Maanta Sweden ” Waa in dadka ku shaqeeyaan Guryahooda Xiliga Dayrta ”

Sweden ” Waa in dadka ku shaqeeyaan Guryahooda Xiliga Dayrta ”

0

Maamulka caafimaadka bulshada ayaa dadka ku booriyay inay sii wadaan shaqadooda guriga xiliga dayrta, hadii ay macquul tahay sidaasi.

Andal Thignell, oo ah cilmi-baare ku takhasusay cudurrada faafa ee gobolka, ayaa shir-jaraa’id ku sheegay in ay suuragal tahay in la wajaho sii fiditaanka
cudurkan inkastoo cudurka uu hoos u dhacayo hadana waa dhici karta in uu mar kale faafo gaar ahaan meelaha aysan horay ugu faafin cudurka

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Bulshada Lina Hallinger ayaa sheegtay in dowladdu ay fareyso goleyaasha gobollada inay xoogga saaraan muhiimadda ay leedahay in la raaco talooyinka masuuliyiinta, gaar ahaan gaadiidka dadweynaha.

Waxaan wali dhexda ugu jirnaa cudurka ku faafay adduunka iyo Yurub. Xaqiiqdi waa lama
huraan in aan sii wadno raacitaanka tilmaamaha si aan u ilaalinno heerka hoose ee cudurka.

Waxay carabka ku adkeysay in habka uu u socda cudurka iyo la tacaalidiisa ay tahay mid sax ah iyadoo hoos loo dhigay tirada dhimashada iyo dhaawacyada.

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here