Wadamada midowga yurub ayaa shaaciyay tirada Dadka ugu dhintay Xanuunka corona tan iyo markii uu xanuunka soo gaaray Qaaramada Yurub.
Tirada dhimashada ee lagu soo weriyey Yurub ayaa hadda kor u dhaaftay 200,000, sida laga soo xigtay isuduwaha wakaaladda wararka ee AFP. Wadarta in kabadan 2.7 milyan oo dad ah ayaa xanuunka qaaday kuwaasi oo la xaqiijiyay.
ku dhawaad boqolkiiba 40 ayaa ah dhimasho waana 500,000 oo dhimasho marka la eego adduunka oo dhan, waa meesha ugu badan ee laga soo sheegay xanuunka.
guud ahaan wadamada , Boqortooyada Midowday, Ingiriiska, Faransiiska iyo Isbaanishka ayaa loo xisaabiyay dhimashada saddex-meelood laba meel dhimashada Yurub. wadanka ugu daran ayaa ah Boqortooyada Ingiriiska, oo laga soo sheegay in ka badan 44,000 oo dhimasho ah Talaadadii.
somaliska France







