Home Wararka Caalamka Stefan Lövfen ” Waxaan rabnaa siyaasad difaaceysa Xaquuqda Qofka magangalyodoonka ”

Stefan Lövfen ” Waxaan rabnaa siyaasad difaaceysa Xaquuqda Qofka magangalyodoonka ”

0

Raisal Wasaaraha Dalka Sweden Stefan Läfven ayaa ka hadlay wada-hadalada burburay ee u dhaxeeyay xisbiga S iyo M kaasi oo ku saabsanaa in xal waara laga gaaro xaalada Qaxootiga Sweden ee Mustaqbalka.

Stefan ayaa warbaahinta u sheegay in Xisbiga M uu diiday in uu ka taasulo fikradaha qaar ee dhanka qaxootiga si loo gaaro xal dhab ah oo ku saabsan Xaalada Qaxootiga Sweden ee maanta taagan iyo mida Mustaqbalka dhow.

” waxaan ka xunahay in aysan macquul aheyn heshiis laga gaaro Arimaha Socdaalka ee dibada iyo mida soogalootiga taasi oo xisbiga Moderaterna qeyb ka yahay” Stefan ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay.

” Anaga ahaan xisbiga S waxaan diyaar u nahay in aan qaadano masuuliyadeena sidoo kale L iyo C waxay diyaar u yihiin in heshiis laga gaaro khilaafka”

Dowlada Sweden ayaa ku howlan heshiis dhab ah oo laga gaaro xaalada Qaxootiga Sweden gaar ahaan tirada uu dalka qaadan karo marka ay timaado Qaxootiga qeybsiga wadamada yurub taasi oo ah qodobka ugu weyn ee dhaliyay in uu burburo wada-hadalka socday.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here