Home Wararka Sweden Wasiirka Arimaha Gudaha Sweden oo ka hadlay Labo Gabdhood ee la dilay...

Wasiirka Arimaha Gudaha Sweden oo ka hadlay Labo Gabdhood ee la dilay isbuucan

0

Muddo gaaban oo toogasho lagu diley laba haween ah dartood ayuu ka dhiidhiyay oo sheegay Mikael Damberg (S), wasiirka arrimmaha gudaha Sweden iney yihiin fal dembiyeedyo cusub oo aan horey u dhici jirin oo halis ah. Waxaannu dib ugu soo laabanney heerkii la taagnaa sannadihii sagaashameeyadii, hase yeeshee dembiyadu ka duwan yihiin, sida uu hadalka u dhigay isaga oo booqasho ku jooga magaalada Malmö.

Isniintii ina dhaaftay ayay ahayd markii haweenay 31 jir ah toogasho qudha lagaga jaray iyada oo ku sugan faras magaalaha Malmö isla markaana xabadka uu u saarnaa ilmo laba bilood jira oo dhashay. Sidoo kale saqdii dhexe ee xalay waxaa xaafadda Råcksta oo dhacda waqooyi galbee ee magaalada Stockholm toogasho lagu dilay gabar 18 jir ah.

– Ma doonayo inaa alifo sababaha loo diley haweenkaa, hase yeeshee kolka ey ka dhacaan xaafadaha dhexdooda waa halis ku soo gurguuraneeysa bulshada caadiga ah, sida uu sheegay wasiirka arrimmaha gudaha Sweden, Mikael Damberg mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Malmö.

– Toogashada iyo qaraxyadu waxey ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee bulshada la soo gudboonaaday.Waxaa la joogaa heerkii sagaashameeyadii iyo dhacdooyinkii dilalka, hase yeeshee wejiyo ka duwan leh, sida uu sheegay Damberg.

– Ciidanka ammaanku ma ballan qaadi karaan in aan cid la dilin, hase yeeshee waa iney helaan quwaddii ey u baahnaayeen oo ey ku baari kareen dembiyada, sida uu sheegay Mikael Damberg.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here