Agaasimaha NAV Sigrun Vågeng oo noqotay tan kaalinta koowaad kaga jirta liiska xubnahan.
Walow ay Erna Solberg tahay ra’iisul wasaaraha dalka Norway haddana waxaa jira dad ku dhaafay xagga marka laga eego mushaarka laga qaato dowladda.
Nettavisen oo baaris ku sameeyey heerka mushaarka xubnaha sare ee ka tirsan dowladda ayaa waxaa u soo baxday in 14 xubnood oo isagu jira agaasimayaal iyo xoghayeyaal ay ka mushaar sareeyaan ra’iisul wasaaraha dalka.
Ra’iisul wasaare Erna Solberg ayaa mushaarkeeda uu baarlamaanku u gooyey wuxuu yahay lacag dhan 1.680.277 krone sannadkii.
Agaasimaha hay’adda NAV Sigrun Vågeng ayaa noqotay qofka ugu sareeya dowladda oo dhan xagga mushaarka, iyadoo qaadata sannadkii 1.900.000 krone, waxayna taasi ka dhigan tahay in ay ra’iisul wasaaraha dheer tahay 219.000 krone sannadkii.
xubnaha 14 afarta ee calanka u sida xagga sareynta mushaarka ayaa kala ah:
Jagada Magaca Mushaarka sannadkii
Agaasimaha NAV Sigrun Vågeng kr 1 900 000
Xogahayaha xukuumadda Anne N. Lyftingsmo kr 1 850 800
A.W/waddooyinka Terje Moe Gustavsen kr 1 830 700
Xoghayaha Dhaqaalaha Hans Henrik Scheel kr 1 830 000
Madaxa canshuuraha Christian Holte kr 1 800 000
Hormuud Gunnar Bovim kr 1 771 500
Xeer ilaaliye guud Fredrik Sejersted kr 1 746 257
Garyaqaanka guud Busch, Tor Aksel kr 1 731 400
Xoghaye wasaaradeed Strømmen, Wegger kr 1 730 000
Xoghaye wasaaradeed Heggenes, Heidi kr 1 720 000
Agaasime guud Amund Holmsen kr 1 705 000
Madaxa Sirdoonka Benedicte Bjørnland kr 1 700 000.
Somaliska Oslo
Xigaaho/Nettavisen