17 qof ayaa la soo badbaadiyay, waxaana baadi goobka dadka la la’yahay sii socday fiidnimadii Axadda. Isku dayga badbaadinta ee fashilmay ayaa dhacay subaxnimadii Axadda.
Musiibadii u dambaysay ee ka dhacday badda Mediterranean-ka ayaa timid laba toddobaad kadib markii Dooni ku burburay meel u dhow Crotone 26-kii February, kaas oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 76 qof oo u badan Afgaanistaan. Doontan ayaa waxaa saarnaa ilaa 150 qof, waxaana ay ka timid dalka Turkiga.
Doonida degtay ayaa keentay in dhaleeceyn loo jeediyo xukuumadda garabka midig ee ra’iisul wasaare Giorgia Meloni, kuwaas oo lagu eedeeyay in aysan wax ku filan ka sameynin caawinta. Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay maanta oo Siniin ah in doonida ay dhibaatadu ka dhacday ay ku sugneyd biyaha Liibiya, waxaana dhacdadan ay cadeyn u tahay “waxqabad la’aanta” dalalka kale ee ku sugan badda Mediterranean-ka.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay 105,000 oo Qaxooti iyo Muhaajiriin ah ayaa sanadkii hore gaaray dalka Talyaaniga dhanka badda. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegtay in in ka badan 17,500 oo qof ay sanadkan gaareen. Taasi waxay ku dhawaad saddex laab ka badan tahay isla muddadaas sannadkii hore.