Home Wararka Maanta Norway:- Go’an laga soo saaray Khilaafka Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo

Norway:- Go’an laga soo saaray Khilaafka Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo

0

mudo labo sano oo hakad uu ku jiray lacagta dhaqaalaha ee loogu tala galay masjidka Towfiiq ee Caasimada Oslo sababo la xiriira khilaaf ka jira gudiga masjidka ayaa ugu danbeyn loo fasaxay lacagtaasi sida ay sheegeen Maamulka Gobolka Oslo.

go’an kasoo baxay Gobolka Oslo ayaa lagu sheegay in Gudiga Masjidka iyo masaajidkaba ay buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa si loogu wareejiyo lacagta dhaqaalaha ee loogu tala galay.

Maamulka ayaa dhanka kale sheegay in aysan jirin sabab keeni karta in masjidka laga saaro xubinimadaasi dalka madama aysan jirin halis taas muujineyso isla markana laga laabtay digniin hore oo aheyd in masjidka dib looga ceshanayo xubinimada Gobolka.

Xaalada Masjidka ayaa fududaatay kadib markii dhinac kamid ah labada dhinac ee isku haya masjidka ay maxkamada ka hor qirteen in aysan aheyn gudi sharci ah lakin ka midyihiin xubnaha gudiga isla markana ka horyimaadeen qaabka masjidka loo maamulo.

ugu danbeyn Gobolka ayaa labada dhinac ee masjidka isku haya ugu baaqay in ay xaliyaan khilaafka jira iyagoo raadinaya xal kasta oo looga gudbi karo arintaasi.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here