Home Wararka Maanta Sawiro lagu dhajiyay daaqadaha masaajidka Bergen ee Dalka Norway

Sawiro lagu dhajiyay daaqadaha masaajidka Bergen ee Dalka Norway

0

Habeenimadii Jimcaha laba sawir oo islaamka wax looga sheegayo ayaa la sudhay daaqadaha masaajidka Bergen inkastoo oo aanan sheegi karin nuuca sawirka.

Sawirada waxaa la ogaaday kahor 6-da subaxnimo ee jimcaha, sida uu qoray wargayska Bergens Tidende.

Gudoomiyaha guddiga Badreddine Maizi ee masjidka Bergen ayaa ku wargaliyay booliska arinta iyo dhacdada lagu sameeyay masjidka.

Booliisku ayaa yimid goobta iyagoo qaaday sawirada la suray halkaasi.. 

Sida uu qoray wargaysku, garyaqaan boolis ayaa qiimayn ku samaynaya in falkani yahay mid xadgudub ku ah qawaaniinta xukumaya in waraaqo boodhadh ah lagu dhajiyo hantida dadka kale.

“Tani waa fariin toos ah oo loo dirayo Muslimiinta Bergen si looga xanaajiyo. Laakiin waa inaan la inaga xanaajin. ”ayuu yiri Maizi.

Dalka Norway ayaa kamid ah goobaha sida aadka islamka looga farmuuqa taasi oo dadka muslinka ay dhibaato ku dareemaan.

Somaliska Bergen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here