Home News in English Qaxootiga Sweden oo dib loo bilaabayo Bisha Agoosta

Qaxootiga Sweden oo dib loo bilaabayo Bisha Agoosta

0

Sida lagu qoray boga laanta Socdaalka Sweden ee Migrarionsverket waxaa dib loo bilaabayaa safarada Qaxootiga ka imaanaya wadamada Caalamka ee la keenayo Dalka sweden go’anka ayaana yimid kadib markii Ururada UNHCR iyo IOM ay shaaca ka qaadeen dib u bilaabista qaxootiga bishii june.

Hay’ada laanta socdaalka ayaa sheegtay iyadoo eegeysa go’anka ururada Qaxootiga kasoo baxay ay dib u bilaabeyso Qaxootiga la keenayo sweden bishan Agoosta bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda madama xanuunka Corona uu hoos u dhacay.

Sidoo kale ayay hay’ada sheegtay in ay bilaabeyso keenista Qaxootiga iyadoo la tashiyo la sameeyso qeybta Caafimaadka Dadweynaha sida laga soo xigtay Oskar Ekblad.

Sweden ayaa sanadkan Qaxootiga ugu badan kasoo qaadatay Caalamka madama ay hoos u dhaceen tirada Qaxootiga gudaha iska dhiibi jiray waxana Gobolada wadanka ku arkeysa Qaxooti ku cusub dalka.

Qaxootiga Cusub ee lasoo qaaday ayaana qeyb ka ah Somalida oo kaamam caalamka gaar ahaan kuwa Africa ku sugnaa mudo ka badan 30 sano.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here