Home Wararka Maanta Norway iyo Denmark waxay Nolol ahaan ku tiirsanyihiin Gobolada Xadka ee Sweden...

Norway iyo Denmark waxay Nolol ahaan ku tiirsanyihiin Gobolada Xadka ee Sweden la wadaagaan

0
aerial photos unrestricted

wadamada Norway iyo Denmark waxay nolol ahaan ku tiirsanyihiin Dalka Sweden marka la eego Xadka Wadamadan ay la wadaagaan Sweden sidaasi oo ay tahay waxay Xadkooda ka xireen Dad badan oo kasoo adeegta Dalka Sweden maalin kastana xadka kasoo gudbo.

Iyadoo ay sidaasi jirto waxaa dad badan ku adkaatay Nolosha kuwaasi oo la qabsaday Maciishada Raqiiska ee Sweden dadkaasi ayaana hada helay go’ano Farxad u ah kadib markii Dowlada Norway ay Xadkeeda u furtay 7 Gobol oo ka tirsan Sweden halka Denmark ay horay u furtay waxaa intaasi dheer shaqaalo badan oo Sweden ah kuwaasi oo maalinti kasoo shaqeeya wadamadan.

Sweden ayaana dhankeeda wax jawaab ah ka bixin Xadka ay Xirteen labada Dal kuwaasi oo Sweden ku eedeeyay in uu ka jiro Xanuunka Corona isla markana aysan si feecan ula tacaalin.

Ugu danbeyn Xaalada Corona ee Sweden ayaa hoos u dhacday waxaana taasi ay keentay in wadamo badan oo yurub ah ay Furaan duulimaadkooda waxaana ugu danbeeyay Germalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here