Home Wararka Maanta Eva nordmark:- Sida Suuqa Shaqada uu yahay Xaalada waa mid Qatar ah...

Eva nordmark:- Sida Suuqa Shaqada uu yahay Xaalada waa mid Qatar ah Sida

0

Heerka Shaqo la’aanta Dalka Sweden ayaa gaartay 9.8 percent oo u dhiganta nus milyan Dadka Sweden in ay yihiin Shaqo la’an waana dhibaatada ugu adag ee xiligan jirta sida ay ku warameyso wasiirada Shaqada Sweden Eva Nordmark oo la hadashey Joornalka TT.

Heerka Shaqo la’anta ee xiligan ayaa ah saameen ka dhalatay Xanuunka Corona lakin dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartay dhalinyarada kuwaasi oo boqolkiiba 30 ka ah Heerka Shaqo la’anta ee hada.

Wasiirada ayaa sheegtay in Dowlada isku dayday qaadista talaabooyin dhoor ah sida saacado dhimista shaqooyinka si dad badan ay shaqo u heleen lakin taasi ma daboolin baahida suuqa shaqada madama ay wali socoto dadka shaqooyinka laga soo buriyo.

Dowlada ayaa ugu danbeyn ku celisay in Heerka Shaqo la’anta Dalka ay tahay mid qatar ah isla markana Dowlada aysan la yaabaneen madama ay sameesay tilaabo kasta oo lagu xakameen karo xiligan adag ee lagu jiro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here