Home News in English Diyaaradan oo kaliya ayaa tagta Somaliya isbuuc walbo

Diyaaradan oo kaliya ayaa tagta Somaliya isbuuc walbo

0

Sida ay heleyso Warbaahinta Somaliska.com diyaarada Itoobiyan Airline ayaa ah diyaarada kaliya ee tagta Dalka Somaliya iyadoo marta Caasimada itoobiya ka hor inta aysan gaarin Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Duulimaadka Diyaarada ayaa imaanaya iyadoo aysan jirin wax diyaarad ah oo tagta Africa gaar ahaan Somaliya bilihii ugu danbeeyay ee uu jiray Xanuunka Corona.

Diyaarada itoobiya Airline ayaa ka duusha Caasimada Sweden ee Stockholm isbuucii labo jeer waxana dadka ugu badan ee raaca kamid ah Somalida.

Somali badan oo ku nool Qaarada Yurub ayaa safar ku yimaada Sweden oo ah Dal u furan Duulimaadka iyagoo ka raaca itoobiya Airline si ay u gaaraan Dalka Somaliya.

Duulimaadka itoobiya Airline ayaa ku soo aadaya iyadoo bisha Agoosta bilowgeeda la filayo in uu toos u furmo Duulimaadka caalamiga ee Aduunka kaasi oo hada xaniban.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here