Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo isku raacay Furitaanka Xuduudaha dibada 1 bisha July

Midowga Yurub oo isku raacay Furitaanka Xuduudaha dibada 1 bisha July

0

Guud ahaan xubnaha ka ah midowga yurub ayaa isku raacay furitaanka Xuduudaha wadamada xubinta ka ah EU waxana maalinta furitaanka loo asteeyay 1 july.

Xubnaha midowga yurub ayaa sidoo kale isku raacay furitaanka Xuduudaha wadamada aan xubinta ka aheyn midowga yurub kuwaasi oo xayiraad saarnaa.

Wasiirada Arimaha gudaha 27 Xubnood oo kamid ah midowga yurub ayaa isku raacay go’anka furitaanka Safarada aanan muhiimka aheyn ee horay loo saaray xayiraada iyadoo laga cabsi qabo faafitaanka cudurka halista ee ka jira caalamka.

Yelva Johansen oo ah wakiilka yurub ee arimaha gudaha ayaa warbaahinta u sheegtay maalinta arbacada in xubnaha midowga yurub aysan isku raacan furista xuduudaha lakin go’ankan ayaa noqonaya mid cusub.

Dalka Gariiga ayaa kamid ahaa wadamada shaaciyay furitaanka xuduudihiisa madama uu ku tiirsan yahay dalxiisayaasha yimaada wadankaasi.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Euronews

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here