Home News in English Migrationsverket-ka oo war kasoo saaray Qaxootiga is dhiibay Sanadkii 2015

Migrationsverket-ka oo war kasoo saaray Qaxootiga is dhiibay Sanadkii 2015

0

Hay’ada Socdaalka Sweden ee Migrationsnerket ayaa qoraal ay kasoo saartay Qaxootiga iska dhiibay Dalka sanadkii 2015 ku sheegtay in Dadka is dhiibay badankooda ay heleen sharciga Dalka gaar ahaan midka rasmiga waxana Hay’ada tirakoob ay soo saartay ku cadeesay in boqolkiiba 60 ay heleen sharcigan Dalka.

Sanadkan 2015 ayaa ahaa sanadkii ugu adkaa ee Qaxootiga badan iska dhiibeen wadanka Sweden waxana wadanka soo gaaray 163,456 kun oo Qof hadii tirakoobka la eego 99,000 kun oo kamid ah waxay heleen sharciga wadanka sweden sida Somaliska.com kasoo xigatay qeybta Socdaalka ee migrationsverket.

Hay’adad ayaa intaasi waxay ku dartay in Dadka helay Sharciga badankooda la siiyay sharciga rasmiga halka kuwa kale ay heleen sharciga ku meel gaarka ah ee lasoo saaray sanadkii 2015 kadib qaxootiga badan ee wadanka soo gaaray.

Agaasimaha guud ee Hay’ada Socdaalka Sweden Mikael Ribbenvik oo ka hadlay tirakoobka ay soo saartay ayaa sheegay in laanta socdaalka ay la tacaashay dhibaatadii soo martay sanadkii 2015 oo ahaa kii ugu adkaa.

Sanadkii 2015 ayaa ahaa sanadkii ugu adkaa ee Qaxootiga ugu badan wadanka soo gaaraan waxana taasi ay keentay in Barlamaanka uu soo saaro sharciyo badan oo deg deg ah si qaxootiga la yareenayo waxana kamid ahaa sharci bixinta ku meel gaarka oo dad badan saameen ku yeeshay ilaa maanta.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here