Home Wararka Maanta Dowlada oo wax ka badaleysa Sharciga Shaqaalaha qeyb kamid ah & dood...

Dowlada oo wax ka badaleysa Sharciga Shaqaalaha qeyb kamid ah & dood ka taagan

0
STOCKHOLM 20200504 V‰nsterpartiets partiledare Jonas Sjˆstedt (V) under en manifestation fˆr Gui Minhai utanfˆr Kinas ambassad. Foto: Jessica Gow / TT kod 10070

Dowlada Sweden ayaa wada qorshe ay wax kaga badaleyso sharciga Shaqaalaha siinaya Difaaca kaasi oo lagu magacaabo LAS waxana Dowlada ay arintaasi kaga kaashaneysa Labada xisbi ee L iyo C kuwaasi oo qeyb ka ah dhismaha Xisbiyada hogaaminaya Dowlada Sweden.

Sharcigan ayaa dhigaya in Shaqada laga buriyo qofka ugu shaqada gaaban mudada ay shaqeenayeen shaqaalaha hadii ay timaado in qof laga buriyo shaqada Dowlada ayaana dooneysa in meesha laga saaro qodobkaasi lakin Xisbiga V ayaa doonaya in qodobkaasi aan meesha laga saarin oo uu sidaasi ahaado Xisbiga ayaana aaminsan in badalka sharcigan uu awood siinayo Maamulka shaqada.

Xisbiga V ayaa sidoo kale doonaya in uu caawin ka helo Labada Xisbig ee M iyo SD taasi oo keeni karta in Qorshaha dowlada uu meesha ka baxo.

Hogaamiyaha Xisbiga M Ulf Kristersson ayaa warbaahinta u sheegay goor hore in Dowlada lagu qasbo sidii ay u joojin laheyd sharcigan iyo qorshaha socda.

Sharcigan Cusub ayaa dood ka dhex abuuray badi xisbiyada ka jira wadanka.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here