Home Wararka Maanta Dhimashada Sweden oo mareysa 919 Qof Xili Xaalada Corona Laga warbixiyay

Dhimashada Sweden oo mareysa 919 Qof Xili Xaalada Corona Laga warbixiyay

0

Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha  Folkhäslomyndighetens ayaa ka warantay Xaalada Coronavirus ee Wadanka iyadoo warbixinta Maanta lagu sheegay in dhimashada ay mareyso 919 Qof.

Tan iyo Shalay waxaa dhimashada ku korartay 20 Qof Agaasimaha guud ee Gudiga Caafimaadka Qaranka Olivia Wigzell ayaa shirka jaraa’id ku sheegtay in guud ahaan wadanka la jibaaray Goobaha lagu hayo Dadka Xaalada deg dega qaba.

Tirada Dadka ku jira Xaalada Deg dega waxay gaarayaan 500 boqol iyadoo qeybtaasi laga diiwaan galiyay 19 Qof oo kiisas Cusub.

Shirka Maanta waxaa lagu soo bandhigay in Goobaha Caafimaadka ee Xaalada Deg dega la gaarsiiyay 1000 Qeybood guud ahaan wadanka.

Ugu danbeyn Tirada Dadka qaaday xanuunka Coronavirus ayaa mareysa 11,948 qof Dowlada ayaana aaminsan in hada uu hoos u dhacay tirada Dadka uu ku dhacayo Xanuunka

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here