Home Wararka Maanta Migrationsverket oo sheegay in Qaxootiga Hoos u dhaceen kuna dhawaaqay go’an cusub

Migrationsverket oo sheegay in Qaxootiga Hoos u dhaceen kuna dhawaaqay go’an cusub

0

Hay’ada laanta socdaalka ayaa sheegtay in Qaxootiga Dalka uu hoos u dhacay waxay dhanka kale ku dhawaaqeeyn go’an Cusub oo ah In Shaqaalahooda ugu deeqaan hay’adaha Kale ww Wadanka.

Caabuqa corona ayaa sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid magangalyo doonka Iswiidhen. Migrationsverket, hey’adda socdaalka Iswiidhen, ayaa taasoo jirta wax ka bedeshay qaabka ay u shaqeyso iyadoo taasi ay ka soo baxday natiijo deg deg u fulin howsheeda.

Arrintan ayaa haddaba awood u siisey hey’addu iney shaqaale ugu deeqi karto hey’adaha kale ee howluhu ku bateen.

Mikael Ribbenvik, agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka.

– Todobaadka caadiga ah ayey hey’adda soo gaari jireen 400-450 codsi magangalyo doon balse wuxuu iminka hoos u dhac ku yimid magangalyo doonka maadaama aan dalka la soo geli karin, ayuu yiri, Mikael Ribbenvik.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here