Home Wararka Maanta Dowlada oo Sharuudaha ku adkeysay goobaha Makhaayadaha ee laga cunteeyo

Dowlada oo Sharuudaha ku adkeysay goobaha Makhaayadaha ee laga cunteeyo

0

Dadka makhaayadaha booqda ayaa loo bilaabaya in miisaska loogu adeego si ay u yaradaan safafka cidhiidhiga ee halkaas. Waa go´aan cusub ay dawladdu dhowaan si wada jir ah ula gaadhay heeyada caafimaadka. Taas oo xidhiidh la leh caabuqa feyruuska Corona.

Sidaas ayey wasiirada arrimaha bulshada Lena Hallgren ka sheegtay shir saxaafadeed.

-Waxaa keliya aanu ogolnay in miisaska la fadhiyo, waa mamnuuc in tusaalahaan lagu ururo baarka, ayey tidhi.

Sharcigan cusub ayaa sida dhakhsada ugu badan laga hir gelin doona Sweden si loo yareeyo khatarta Corona oo bulshada ku sii fidaya. Waa makhaayadaha, baararka iyo meelaha kale ay dadyoowgu iskugu yimaadaan kuna xafladeeyaan.

Hadii ay ka soo baxi waayaan intaas waxeey khatar uu jiraan in goobta albaabada loo xidho. Sidaas ayey sheegtay wasiirada arrimaha bulshada Lena Hallgren.

-Waxaa dadka Sweden ku nool hadda ugu baahan nahay in ay ka taxadarran iska na ilaaliyaan wixii khatar ku ah bulshada.

Somaliska Stockholm

Waxaa Turjumay Radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here