Home Wararka Maanta Sidee Somalida ku noqotay Qowmiyada ugu badan ee Cudurka Coronavirus ugu dhinta...

Sidee Somalida ku noqotay Qowmiyada ugu badan ee Cudurka Coronavirus ugu dhinta Sweden

0

Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa noqday qowmiyada ugu badan ee u geeriyootay cudurka Coronavirus dalka Sweden, sida laga soo xigtay ururka dhaqaatiirta dalkaasi.

Sweden ayaa ilaa hadda waxaa cudurka COVID-19 ugu dhintay 33 qof, iyadoo magaalada Stockholm ee caasimadda ay ku dhinteen 15 qof, waxayna warbaahinta dalkani sheegtay in 6 ka mida dadkaasi ay Somali-Swedish yihiin, sida laga soo xigtay ururka dhaqaatiirta Soomaalida ee dalka Sweden.

Jihaan Maxamed oo ka mida ururka dhaqaatiirta Soomaalida ee dalka Sweden ayaa sheegtay in inta badan dadka u dhintay cudurka Coronavirus ay qabeen cudurro kale, laakiin markii oday 60 sano jir ah oo Soomaali ah u dhintay cudurka Axadii ay si weyn uga naxeen dadka.

Shan ka mida Soomaalida dadlka Sweden ugu geeriyootay waxay ku noolaayeen degaanka Järva, ee Waqooyiga magaalada Stockholm, iyadoo ay xaalada uga sii dartay Soomaalida oo is dhexgalkoodu badan yahay, wax taxadar ahna aan ka muujin cudurka, taasoo ah sababta degdegga ugu faafay goobaha ay ku nool yihiin.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here