Home Wararka Maanta Norway:- Nin uu ku dhacay Cudurka Coronavirus oo lagu ganaaxay Lacag dhan...

Norway:- Nin uu ku dhacay Cudurka Coronavirus oo lagu ganaaxay Lacag dhan 20,000 kr

0

Boliiska ku sugan Galbeedka  Norway ayaa ganaax lacageed oo dhan 20,000 oo karoon ah siiyay qof cudurka Coronavirus ah qaba kaasoo jabiyay karantiilkii guriga isla markaana aaday xaflad.

– Qofka waxaa la xaqiijiyay inuu qabo cudurka Covid-19, ganaaxa ayaa lasiiyay kadib markii uu jabiyay karantiil oo uu galay xaflad dhacday habeenki axada. Bilayska ayaa baaray kiiskan waxana waydiiyeen dhawr qof, bilayska degmada ayaa ku qoray war-saxaafadeed.

Ma sheegi doono jinsiga iyo da’da qofka, ama meeshuu ka dhacay ama degmada booliis ee uu ka dhacay.

– Qofka ayaa lagu wargaliyay ganaaxa isniinta. Haddii ganaaxa la bixin waayo, qofku wuxuu halis ugu jiraa xabsi 40 maalmood.

Waxaan rajeyneynaa in dadku fahmaan halista xaaladda dalku ku sugan yahay oo ay u hoggaansamaan shuruucda, qawaaniinta iyo tilmaamaha hadda jira, ”ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Gunnar Fløystad ee Degmadda Booliska Galbeedka.

Somaliska Oslo

Waxaa Turjumay Somaliska.com

Xigasho/norwaytoday

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here