Home Wararka Maanta Taliyaaniga:- 743 qof oo kale oo hal maalin u dhimatay Caabuqa Coronavirus

Taliyaaniga:- 743 qof oo kale oo hal maalin u dhimatay Caabuqa Coronavirus

0

Tirada dhimashada corona ee Talyaaniga ayaa sii kordheysa mar labaad. Talaadadii maanta 743 dhimasho ayaa la soo sheegey 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Axadda iyo Isniinta ayey waxyar hoos u dhacay tirada dhimashada, taas oo keentay in rajo laga qabo xaalada dalka ka taagan, laakiin tirada Talaadada dadka dhintay maalinti ayaa ahayd tii labaad ee ugu sareysay tan iyo markii uu dilaacay Corona.

Wadarta ayaa ka dhigan 6,821 qof oo hadda u dhimatay Corona gudaha Talyaaniga tan iyo markii uu cudurka dillaacay.

Dhanka kale Xaalada Dalka Taliyaaniga ayaa ah mid cakiran iyadoo guud ahaan wadanka iyo Gobolada Dalka lagu sameeyay karantiilis.

Somaliska Roma

Waxaa turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here