Home News in English Akhriso Sharciyada Cusub ee ka hirgalaya Norway Sanadka Cusub ee 2020 iyo...

Akhriso Sharciyada Cusub ee ka hirgalaya Norway Sanadka Cusub ee 2020 iyo kuwa wax laga badalay

0

Dalka Norway ayaa kamid ah wadamada ay ka hirgalayaan sharciyada cusub iyadoo kuwii hore qaarkood wax laga badlay warbaahinta Somaliska ayaa soo qaadaneysa kuwa ugu muhiimsan.

Kirada Lacagta NRK oo la joojiyay.

Laga bilaabo Sanadka cusub Dowlada Norway ayaa joojisay lacagta laga qaado Dadweynaha ee Leysinka Talafashinka taasi oo gaareysa 3600 sanadkii lakin Taasi badalkeeda ayay dowlada ku dartay lacagta canshuurta ee qof kasta.

Labo dhalasho oo la ogolaaday.

Laga bilaabo bisha January waxaa Dadka norway loo ogolaaday in ay qaadan karaan dhalashada ama labada jinsiyadood kadib markii uu barlamaanka ansixiyay sanadkii hore.

Lacagta Dhalmada oo la kordhiyay.

laga bilaabo sanadkan 2020 waxaa la kordhiyay lacagta dhalmada ee hooyooyinka aanan xaqa u laheen lacagta waalidka waxana la gaarsiiyay 84,720 kr iyadoo sanadkan lagu kordhiyay 1580 kr.

Lacagta Basaboorka oo la kodhiyay.

Waxaa la kordhiyay lacagta Baasaboorka laga bilaabo sanadka cusub iyadoo laga dhigay 570 kron halka markii hore uu ahaa 450 kr sidoo kale lacagta basaboorka caruurta ayaa la kordhiyay 342 halka markii hore uu ahaa 270.

Waajibka Waalidka ee Caruurta oo la badalay.

Laga bilaabo Sanadkan cusub waxaa la badalay Waajibaadka Caruurta ee dhanka waalidka iyadoo la simay Hooyada iyo Aabaha kala tagay halka markii hore si toos ah loogu qori jiray Hooyada .

Lacagta Ganaaxa ee isbitaalka oo la kordhiyay.

Laga bilaabo Sanadkan cusub waxaa la kordhiyay lacagta laga qaado qofka ka maqnaada balanta isbitaalka iyadoo laga dhigay 1053 kr halka markii hore ay aheyd 702 kr.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here