Home News in English Wiil Somali ah oo Aabihiis ku dilay Dilka Germalka

Wiil Somali ah oo Aabihiis ku dilay Dilka Germalka

0

Dil si weyn looga naxay ayaa caawa maqribkii ka dhacay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ka dib markii wiil 17 jir Soomaali ah uu dilay aabihiis oo 57 jir ahaa.

Booliska magaalada Hamburg ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay halkaasoo ay ka wadaan baaritaano.

Warbaahinta dalka Jarmalka qaarkood ayaa qoray in wiilka uu dilka aabihiis u adeegsaday toorey ama mindi.

Axmed oo ah magaca Wiilka dilay aabihiis ayaa la sheegay iney gacanta ku hayaan Booliska, xabsiga ayaana la dhigay.

Sidoo kale, Ma cadda sababta wiilkan Soomaaliga ah ku xambaartay inuu nafta dhaafiyo aabihiis la noolaa oo magaciisa la oran jiray Nuur Faarax Xuseen.

Booliska ayaa sheegay iney faahfaahin soo saari doonaan baaritaanka marka uu dhamaado ka dib.

Waalidiinta iyo caruurta ku wada nool qurbaha ayaa intooda badan waxay isku qabaan dhibaato la xiriirta dhanka tarbiyada caruurta iyo dhalinyarada oo doonaya in la siiyo xoriyad aan xad laheyn oo la mid ah tan aasaagood ku nool dalka ay joogaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here