Home Wararka Maanta Stockholm Meydka Wiil 12 sano jir ah ee la weysanaa oo laga...

Stockholm Meydka Wiil 12 sano jir ah ee la weysanaa oo laga helay Gustavsberg

0

Wiilkii labo iyo toban jirka ahaa ee sabatidii hore lagu waayay Gustavsberg ayaa meydkiisa shalay fiidkii laga helay biyo u dhow deegaanka Ösbyträsk.

Xalay fiidkii labo saac ayaa meydka wiilkan yar la helay, waxaana goobta laga helay xiray bileyska iyada oo sidoo kale loo diray kooxaha baarayaasha isla goobta.

–  Maadaama goobta aan la dhihi karin waa sababta uu u dhintay wiilka, bileyska waxay bilaabeen baaritaan ku qotoma fal dil, waxaa sidaasi tiri, Eva Nilsson oo ah afhayeen u hadashay booliska Stockholm.

Ehelka wiilka ayaa lagu wargeliyay geerida wiilkooda.

Wiilkan ayaa lagu weysanaa xaafadda  Ösbydalen ee Gustavsberg, waxaana maalintii shalay la bilaabay baadigoob weyn oo xitaa ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradha drones-ka iyo eeyaha wax uriya.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here