Home News in English Lacagta ceerta in laga jaro Qaxootiga aan baran Luuqada oo loo gudbiyay...

Lacagta ceerta in laga jaro Qaxootiga aan baran Luuqada oo loo gudbiyay Barlamaanka Norway

0

Xili dowlada Norway ay soo saartay sharciyo badan oo la xiriira Dhanka Qaxootiga iska dhiibay Dalka ayaa markale Barlamaanka loo gudbiyay Sharciga dhigaya in Qaxootiga laga jaro lacagta ceerta hadii aysan Baran luuqada.

Erna Sorberg oo ah Wasiirada Dalka ayaa wareysi ay siisay Joornalka VG ee norway ayaa sheegtay in dowladeeda ay barlamaanka u gudbisay sharci dhigaya in qaxootiga laga jaro lacagta ceerta gaar ahaan kuwa aan baran luuqada.

Waxay intaasi ku dartay in Luuqada tahay muhiimada qofka ee bulshada dhexdeeda iyo dhanka suuqa shaqada oo ay ku waayeen shaqooyin badan kuwaasi oo sabab u ah luuqada aysan baran.

Sharciga loo gudbiyay Barlamaanka ayaa dhigaya in marka hore laga bilaabo dadka 30 sano ka yar dalka jooga kadibna loo gudbo dadka kale kuwaasi oo aan wali luuqada baran waxana markasta lagu qiimeen doonaa xaalada qofkaasi uu ku jiro.

Qorshaha cusub ee Dowlada Norway bilaabeyso ayaa sameeyn ku yeelan kara qaxooti badan oo dalka ku nool kuwaasi oo aan Wali baran luuqada Waxana ku jira Somalida.

Somaliska Oslo

Xigasho/VG.no

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here