Home News in English Dowlada Afganistan oo diiday Dhalinyaro walaalo ah oo laga Tarxiilay Dalka Norway

Dowlada Afganistan oo diiday Dhalinyaro walaalo ah oo laga Tarxiilay Dalka Norway

0

Dowlada Afganistan ayaa markii ugu horesay cod dheer ku diiday in ay qaabisho qaxooti kasoo jeeda Dalkeeda kuwaasi oo laga soo tarxiilay Dalka Norway oo sharciga looga diiday.

Go’anka dib u celinta ee Qaxootiga waxaa gaaray laanta Socdaalka Dalka Norway lakin markii laga dajiyay Dalka Afganistan dowlada dalkaasi ayaa dalbatay in dadkaasi dib loogu celiyo norway.

Qaxootiga la celinayay ayaa ka kooban 3 dhalinyaro ah oo Walaalo ah kuwaasi oo magacooda loo yaqaano gudaha Norway ( Abbasi Fammelien ) sababta ugu weyn ee Afganistan u diiday ayaa aheyd in caruurta laga reebay hooyadood.

Dalka Afganistan ayaa kamid ah wadamada qaabila Qaxootiga laga soo celiyo Dalka Norway kuwaasi oo siyaabo kala duwan sharciga dalkaasi loogu diiday.

Masuuliyiinta ka tirsan Afganistan ayaa Norway ka codsaday in aysan soo tarxiilin Qaxootiga madama Xaalada Dalkooda ay tahay mid amaandaro ah.

Somaliska OSlo

Xigasho/NRK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here