Home Wararka Maanta Xulalka Sweden iyo Canada ee Hablaha oo Caawa Ciyaaraya Kulan Adag

Xulalka Sweden iyo Canada ee Hablaha oo Caawa Ciyaaraya Kulan Adag

0

Caawa ayay ku balansanyihiin xulalaka qaranka gabadhaha ee Sweden iyo Kanada ay isku arkaan kulanka isreeb reebka 8-da ee ciyaaraha adunka dumarka 2019

Ciyaartaan ayaa ka dhici doonta garoonka caalamiga ee Parc des Parinces ee dalka Faransiiska.

Koxdii laga badiya ayaa dharkooda ka aruursan doonta goobta, ayadoona dhanka kale, kooxdii badisaana ay banaanka ku sugayaan xulka gabdhaha Jarmarlka oo habeen hore dharbaaxo kulul ku dhuftay gabdha Nigeria.

Ma sahlana in la saadaaliyo kulankaas, balse waa mid aan dhihi karno waa badis ama bixid, Caroline Seger ayaa sidaas sheegtay

Kabtanka xulka gabdhaha Iswiidhan Caroline Seger oo la hadleysay raadiyaha Iswiidhan ayaa sheetay in ciyaarta caawa dhici doonta tahay mid ay nafta ag dhigi doonaan. Ayadoo arintaasi ka hadleysana waxey tiri

-Waxaan dhihi laha in dhammaan dareemadeeyda oo dhami kacsan yihiin, iyo oogadu u diyaar garowday inay dagaalka dhici doona, sida ay sheegtay mar ay wareeysi la yeelatay laanta ciyaaraha ee Radiosporten.

Labada dhinac ayay muhiiim u tahay ciyaarta caawa dhici doonta, balse kabtanka xulka gabdhaha Iswiidhan ayaa u soo jeedisay ciyaartooyda dalkeedka in ay xaalada aad u ilaaliyaan si loo badiyo.

Todobaadkii hore ayay guuldaro kala soo laabteen gabdhaha xulka Iswiidhan kulankii adkaa oo ey wada ciyaareen xulka Mareykanka balse taa waa ay ka gadisan tahay midda caawa oo ah: waa guul ama geeri.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here