Home Wararka Maanta Norway oo soo bandhigtay tirada Dadka doonaya in ay isdilaan Sanad walbo

Norway oo soo bandhigtay tirada Dadka doonaya in ay isdilaan Sanad walbo

0

Iyadoo horaantii ay qiyaastii sannad walba isku diiwaangelin jireen 600 qof in nafta is dhaafiyaan dalkan Norway ayey haatan tiradaasi si weyn uga badatay intii hore.

-Waxaa la qiyaasayaa in tirada isku diiwaangeliyey ay 25 boqolkiiba yihiin kuwa ku jira liiska madow oo ah heerka dhimashada sida dadka dawada qaata, kuwa da’ ah, kuwa keli nool iyo shilal ku dhacay hab isdil ah ayey tiri xoghayaha guud ee golaha caafimaadka maskaxda Tove Gundersen.

Mar ay todobaadkii lasoo dhaafay u waramaysay Nettavisen ayey sheegtay in ay qabto in falka uu qofku ku dilayo naftiisa ay iyada qudheedu tahay jiro ama xannuun ay tahay in diirada la saaro oo wax laga qabto gudaha Norway. Is miidaanta ay dadku naftooda ku dilaan waa geeri sababe ka daran shilalka baabuurta iyo ku maanshoobida biyaha. Dadka is dila waxay da’doodu u dhaxaysaa 15 illaa 49.

Iyadoo boqolaal qof ay naftooda dilaan sannad walba ayaa waxaa jira in kumanaan ay ka fekeraan sidii ay isku dili lahaayeen.

– Guud ahaan ma ogaan karno, mana garan karno meeqa ayaa maskaxda ku haysa inay isdilaan laakiin tan aan ognahay ayaa ah in 6000 oo isku day isdilid ah ay ka dhacaan Norway sannad walba ayey tiri Gundersen.

Meesha ay labo ka mid ah saddexdii qof ee isdila ay rag ka yihiin, saddex ka mid ah afartii isku dayda laakiin aan samayn waa dumar. Dadka dhalinta yar ee da’doodu u dhaxayso 15 illaa 24 sano ee isdilay 20 boqolkiiba waa rag halka 10 boqolkiiba waa dumar.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here