Home Wararka Maanta Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo soo bandhigay Tirada Shaqaalaha ee laga joojinayo...

Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo soo bandhigay Tirada Shaqaalaha ee laga joojinayo Shaqadooda

0

Xafiiska Shaqada sweden ee Arbetsförmedlingen ayaa maanta soo bandhigay tirada Shaqaalaha ka shaqeeya Xafiiska ee laga joojinayo Shaqadooda.

Sida uu sheegay Thomas Wolf oo ka tirsan Xafiiska Shaqada waxaa Shaqadooda joojinaya 1,800 kun oo shaqaalo ah kuwaasi oo ka shaqeeya guud ahaan Xafiisyada wadanka oo dhan.

Xafiiska Shaqada ayaa horay u shaaciyay in Shaqada laga joojinayo 4,500 oo shaqaalo ah tiradaasi oo hada lagu sameeyay isbadal.

Thomas Wolf ayaa intaasi ku daray in xafiiska uu fiirindoono Xafiisyada Dalka ee la xirayo kuwaasi oo aan Muhiimad badan u laheen Xafiiska Shaqada.

Talaabada Xafiiska Shaqada ee shaqada loo joojinayo Shaqaalahooda ayaa ah Mid ay Dowlada iyo Xisbiyada kale ay ku heshiiyeen si lacag badan looga seefgareeyo ama laga jaro dhaqaalaha badan ee Xafiiska ku baxa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here