Home Wararka Maanta Asha Abdulle oo codsatay in dib loogu celiyo dalkeeda Somaliya oo farxad...

Asha Abdulle oo codsatay in dib loogu celiyo dalkeeda Somaliya oo farxad ku dareemeyso.

1

Asha Abdulle oo ah Qaxooti ku nool dalka New Zealand waxay sannadkii 2008-dii afduubatay Diyaarad isaga kala gooshaysay Magallooyin ku yaalla dalkaasi.

Waxay Tooreey ku dhaawacday Labadii Duuliye iyo qof ka mid ah dadkii saarnaa Diyaaradaasi ka hor inta aan iyadii la qabanin.

Asha Abdulle oo laga sii daayey Xabsiga, waxaa haatan lagu hayaa Qeybta Daaweynta Maskaxda iyo Cilmi-nafsiga ee Isbitaal ku yaalla dalkaasi.

Haweenydaasi waxay sannadkii 2017-kii soo dhamaystay Xabsi 9-sanno ah oo lagu xukumay, waxayna Dhakhaatiirta dalkaasi ka digeen inay tahay qof khatar, oo aan lagu sii dhex dayn karin Bulshadda dalkaasi.

Sida aynu ka soo xiganay Idaacadda New Zealand Radio (RNZ) waxay Asha Abdulle haatan doonaysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, iyadoo sheegtay inaysan sii joogi karin dalkaasi.

Haweeneydaasi oo Telefoonka kula xiriirtay Idaacadda RNZ waxay waalaac ka muujisay qaabkii loo qabtay, waxayna Maamulayaasha dalka New Zealand ka codsatay inay u oggolaan inay ka baxdo dalkaasi, si ay dib ugu laabato dalkeeda hooyo ee Somalia.

“Somalia waa dalka aan leeyahay, Qoyskiisa ayaa halkaasi jooga, halkaasi oo aan nabad ka dareemi karo. Ma filayo inaan nabad dareemo inta aan joogo New Zealand” ayey Asha Abdulle u sheegtay Radio New Zealand (RNZ).

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda New Zealand weli kama aysan hadlin codsiga Haweeneydaasi.

Xigasho: New Zealand Radio

AD

1 COMMENT

  1. caassha walaal ilaahbaa kuuqaderay dhibkaad lakulantay adigoo isdifaacaya ilaahay uga mahadceli insha alaah maciin malaha gaal dhulkiisii jooga ilaahay hanatuso keena adigana ilaahay hakaasoo furdaamiyo insha alaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here