Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo soo bandhigtay Sharciga iyo Mudada la keedinayo Codadka laga...

Dowlada Sweden oo soo bandhigtay Sharciga iyo Mudada la keedinayo Codadka laga duubay Taleefanada lagu hadlay.

0

Laba bilood. Waa wakhtiga la keydin karo wadahadal telefoon lagu yeeshey. Sidoo kale in ay shirkadaha teleefanku keydiyaan cidda wada xiriirtey. Hindisahan ayey dawladdu maanta shaacisay.

Sababta ayaa ah sidii dembiyada looga hor tegi lahaa, sida lagu daabacay qoraal saxaafadeed.

In la isticmaalo maclumaadka shirkadaha teleefanka marka la baadhayo dembiileyaasha dalka ayey dawladu ula jeedaa in ay ka caawinayso boliiska dalkan, khaasatan marka la baadhayo dembiyada halista ah.

Laakiin hindisaha ay dawladu maanta soo jeedisay waxaa xadeeynaya sharciyada u yaala EU.

Waagi hore ayey shirkadaha teleefanku kaydin jireen maclumaad kasta oo oo la isku marsiiyo internetka amba teleefanada dalkan wakhti gaadhaya lix bilood, hasayeeshe ay maxkamada EU sannadkii 2016 caddeeysay in ay tani ka hor imanaysay sharciyada u yaala EU.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkan Mikael Dammberg ayaa sidan sheegay:

-In la isticmaalo maclumaadkan ayaa ka hor tagi kara amba xallin kara dembiyada ugu khatarsan, ayuu yidhi.

In la yareeyo wakhtiga keydinta maclumaadka bulshada ayaa ah arrin uu ciidanka ammaanka dalku hore u dhaleecayay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here