Home Wararka Maanta Götenborg qof meydkiisa oo laga helay xaafada Stigbergstorget booliska oo ka hadlay.

Götenborg qof meydkiisa oo laga helay xaafada Stigbergstorget booliska oo ka hadlay.

0

qof meydkiisa ayaa laga helay xaafada Stigbergstorget ee caasimada labaad ee Dalka sweden sida uu booliska magaalada ku qoray Websiteka (Hemsida) uu ku leeyahay internetka.

Stefan Gustafsson oo ka tirsan booliska ayaa wakaalada wararka TT u sheegay in meydka la helay Caawa isagoo yiri ” waxaa la helay caawa”

sida laga soo xigtay booliska meydka qofka waxaa helay qaraabadiisa waxaana jirkiisa ku yaalay dhaawacyo taasi oo booliska ku sheegay in arinta aysan ka marneen dambi la geestay lakin booliska waxa uu diiday in warbixin kale uu goobta ku sheego.

goobta uu ka dhacay falka ayaa loo xiray farsamo baaritaan booliska ayaana bilaabay in kiiska uu yahay fal dil ah oo la geestay iyo in kale.

Somaliska Götenborg

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here