Home Wararka Norway Norway oo Dadka ugu badan ee Qaata Lacagta Ceyrta ku tilmaamtay Qaxootiga...

Norway oo Dadka ugu badan ee Qaata Lacagta Ceyrta ku tilmaamtay Qaxootiga kasoo jeeda.

0

Dowlada norway gaar ahaan Hay’ada dalkaasi u qaabilsan dhanka tirakoobka ayaa warbixin ay soo saartay ku muujisay dadka ugu badan ee ku nool Dalkaasi kuwaasi oo qaata lacagta ceyrta ee dowlada bixiso iyadoo Dadkaasi lagu sheegay qaxootiga Dalkaasi ku gaaray magangalyo ahaanta.

SSB oo Norway u qaabilsan Tirakoobka ayaa sheegtay in Sanadkii 2017-2018 ay Lacagta Ceyrta ee ugu badan qaateen Qaxootiga kasoo jeeda Qaaradaha Africa iyo Asia Halka qaxootiga kale lagu sheegay kuwa kasoo jeeda Bariga Yurub Waxana ay u dhigantaa Boqolkiiba 56% in dadkaasi yihiin Qaxooti.

Norway ayaa sanad kasta soo bandhigtay Tirokoob lagu sameeyo daqliga ku baxa Dalka iyo goobaha Sida aadka ay qarashkaasi uu ugu baxo iyadoo Dowlada ay ku bixisay Lacagta ceyrta 6.6 bilyan oo ah Lacagta Dalka.

Tirakooba ayaa ku soo aadaya iyadoo xaalada Qaxootiga Dalka Norway ay tahay mid sii adkaaneysa marba marka ka danbeeya waxana hada dowlada ku heshiiyay afar xisbi oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Qaxootiga.

Somaliska Stockholm

Xigasho/aftenposten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here