Home Wararka Maanta Stefan Löfven oo Shir Jaraa’id kaga Hadlay go’anka Xisbiga Vänsterpartiet.

Stefan Löfven oo Shir Jaraa’id kaga Hadlay go’anka Xisbiga Vänsterpartiet.

0

Siyaasada Dalka sweden ayaa mareysa meshii ugu danbeesay waxana muuqata in ay burburayaan siyaasada ku dhisneyd isbaheysiga oo mudo dhoor sano ah meesha ka baxday kadib markii Xisbiga Moderateka uu sheegay in Isbaheysiga Alliansen uu burburay.

Dhanka kale Xisbiga Vänsterpartiet ayaa dhankiisa shir jaraa’id ku sheegay in uu maya ugu codeenayo xisbiga S oo siyaasad ahaan isku dhawaayeen isagoo meesha ka saaray heshiiska hada ay gaareen afarta Xisbiga.

Stefan Löfven oo qabtay maanta Shir jaraa’id ayaa dhankiisa sheegay in markasta ay wada shaqeenayaan V Löfven ayaa sidoo kale sheegay in aanu marnaba meel wada dhigi doonin ama isla simidoonin xisbiyada Vänsterpartiet iyo Sverigedemokraterna.

Annagu haddaanu nahay xisbiga Socialdemokraterna weligeen isma barbar dhigi doonno xisbiyada Vänsterpartiet iyo Sverigedemokraterna, sida uu sheegay.

Stefan Löfven wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay xisbiga V, wada shaqeeyntii afartii sannadood ee la soo dhaafey lakin lama ogaan karo hadii V uu ka hor imaanayo Dowlada S iyo hadii kale iyadoo la sugayo xiliga doorashada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here